Bogga Faaqidaada Xidigaha Sportiga Somalia

Mulki Nuur Muudey, waxa ay ku dhalatay degmada C/Casiis (Kaambo) ee gobalka Banaadir sanadka markuu ahaa 1963-diii, Waxey kasoo jeedaa qoys taariikh ku leh Sportiga, qaasatan Mulki aabaheed NUUR MUUDEY waxa uu u ciyaari jiray kooxdii LLPP Jeenyo, dhererkeedu waa 1.80 Mt, heerkeeda wax barasho waa ilaa iyo dugsiga dhexe.
Mulki waxay ka mid ahayd xiddigihii 80-meeyadii soo maray dalka Soomlaiya, si weyna uga dhex muuqatay Isboortiga qaranka Soomaaliyeed. Mulki Nuur Muudey, cayaarta kubbad koleyga oo ay magaca weyn ku heshay oo keliya kuma ekeyn, ee waxaa usii dheeraa cayaraha fudud iyo dabaasha, waxaana Mulki nolosheeda isboorti ay soo bilaabatay saandku markuu ahaa 1977-kii, xilligaas oo ay ka mid noqotay kooxdii dabaasha ee Somali Tax ee heerka 1-aad.
Sidoo kale, isla sanadkaas waxay Mulki Nuur Muudey, ka qeyb gashay tartankii degmooyinka gobalka Banaadir, iyadoo u cayaareysay degmada C/casiis, waxaana sanadkii 1979-kii ay si rasmi ah uga mid noqotay xulka qaranka ee dabaasha. Mulki noocyada kala duwan ee cayaaraha, waxaa ay ka gaartay guulo dhaxal gal ah, waxaana ay ka soo hoysay 10 biladood oo dahab ah, billad maar ah iyo waliba bilald qalin ah.
Isla sanadkii 1979-kii ayay Mulki Nuur Muudey, ka mid noqotay gabdhaha kubbada koleyga ee Jenyo, halka sanadku markuu ahaa 1983-kiina ay si rasmi ah uga mid noqotay gabdhaha kubbada koleyga ee xulka qaranka Soomaaliyeed, waxaana ay bog cusub u furtay kooxdeedii iyo xulka qarankaba, iyadoo hormuud iyo laf dhabarba u ahayd gabdhaha kubbada koleyga ee kooxdeedii LLPP Jenyo ee sida xiriirka ah intii u dhexeysay sanadihii 1986-kii-1990-kii ugu guuleysatay dhamaan koobabkii horyaalka jeneral Daa’uud iyo Ramadaan-ka, marka laga reebo laba jeer oo ay seegeen koobkii General Daa’uud.
Mulki Nuur Muudey, waxaa tababareyaal u ahaa: Cabdi dheere, Baarajab iyo Skeehka oo higaada ABC uga bilaabay cayaarta kubbada koleyga.
Mulki Nuur Muudey, waxaa ay abaanduule u ahayd gabdhihii Kubbada Koleyga ee Jenyo ee sanadkii 1986-kii ku guuleystay koobkii horyaalka, sidoo kalana sanadkii 1987-kii ayay mar kale ku wada guuleysteen koobabkii general Daa’uud iyo horyaalka, halka1988-kiina ay wada hantiyeen dhamaanba koobabkii Jeneral Daa’uud, Horyaalka iyo Ramadaanka.
Mulki iyo kooxdeedii Jenyo, waxaa aysanadkii 1989-kii mar kale hantiyeen koobkii General Daa’uud iyo horyaalka, halka sanadkii 1990-kii ay ku guuleysteen koobkii horyaalka, xiligaas oo ay gabdhihii batroolku qadeen koobkii General Daa’uud.
Mar mulki wax laga waydiiyay hanaan wanaagii ay lahaayeen garsoorayaashii kubada kolayga ay waxay ku timaantay kuwo aad u wanaagsanaa iyadoo carabka ku dhufatay Dr. Cabdi Calasow, C/llaahi Food, Xalane, Xasan Garre, Cartan, Ismaaciil iyo Maxamed Cali Xaashi.
Gabagabadii: Waxaan aad uga xunahay in taariikhda mulki aysan intaa ku koobnayn balse ay u baahan tahay dhamaystir, waxaan aqristayasha ka codsanaynaa in cidii haysa ssawirka Mulki Nuur Muudey iyo taariikhdeedaba inay nagala soo xiriiri karaan e-mailka hoos ku qoran
mohamedshire@kaambo.com
mahadsanidiin
Qore: Mohamed Shire Muse
21/10/2008
|